Baarlamanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey madaxweyne Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo aad isha loogu hayey ayaa ku saabsanaa wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka maamulkaasi, gaar ahaan muddada xil-heynta xukuumadda.

Xildhibaannada oo sameeyey codeyn gacan-taag ah ayaa hal sano oo dheeri ah ugu daray madaxweyne Qoor Qoor iyo xukuumaddiisa, waxaana ogolaatay 56 mudane.

Xil heynta madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore aheyd 4 sanno, haddase waxa ay noqoneynaa 5 sanno, sida uu ku dhowaaqay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Qorshahaan ayaa soo socday todobaadyadii ugu dambeeyey, iyada oo aad loogu kar karinayey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Arrintaan ayaa daba socota tallaabooyinkii ay horey u qaadeen maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna min hal sanno ku darsaday xil heyntooda.

Tallaabooyinka ay qaadeen maamul goboleedyada dalka ayaa uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka oo illaa iyo hadda shaacin mowqifkeeda ku aadan muddo kororsiga ay ku dhawaaqeen inta badan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Si kastaba, go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Galmudug ayaa ku soo aadayo, xilli shalay la soo gabagabeeyey shirkii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arimaha soo koddhay.