Daawo: BOOLISKA oo soo bandhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay nin hubeysnaa oo dhowaan laga duubay muuqaal argagax leh oo ku baahay baraha bulshada ee Internet-ka isagoo rasaas ku ridaya wiil ku sugan degmada Dharkenley.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in muuqaalkaas si qaldan loo dhigay, isla-markaana aysan jirin cid toogasho lagu dilay ama lagu dhaawacay, sida uu hadalka u dhigay

Doodishe ayaa xusay in muuqaalka ay jar-jareen dad ka leh u jeedo gaar ah, si ay u qalqal-geliyaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Ujeeddadeenu waxa aheyd inaan dadka u caddeyno in Video-gaas Edit lagu sameeyey ujeeddada laga lahaana ay aheyd mi guracan oo loogu talagalay in dadka lagu qalqal-geliyo oo aanu ka daba tegnay, soona caddeynay,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkii ka dambeeyey falkaas, gaar ahaan kuwa muuqaalka sameeyey ay u gudbin doonaan maxkamad, si tallaabo adag looga qaado.

“Ciddii ku lug laheyd falka noocaas ah maxkamadda ayaanu horgeyn doonaa qofkii jar-jaray si uu Ummadda u qalqal-geliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhankiisa Axmed Xasan Cilmi oo ah ninka hubeysnaa ee ka soo muuqaalka ayaa ka hadlay goobta, wuxuuna beeniyey in uu toogasho dil ah ama dhaawac ah uu geystay.

Axmed Xasan ayaa tilmaamay in uu ka tirsan yahay qaybta amniga, isla-markaana ciyaalka uu soo qab-qabtay ay ahaayeen ciyaal weero dhibaato ku heysay xaafada uu degan yahay.

“Aniga waxaan ahay ninkii baraha bulshada la soo dhigay xabaddana ridayey marka waxa ay ahaayeen ciyaal yar yar ah oo ciyaal weero ah, marka xaafaddaan daganaay aniga waxaan ahay nin amniga wax ka qaabilsan oo la ogyahay sidaas ayaan ciyaalkaas meesha ugu qabtay, waxaan caddeynayaa inaan cid dilin, cidna dhaawicin” ayuu yiri Axmed Xasan.