DF oo shaacisay sida laga yeelayo heshiisyadii ay kala saxiixdeen Xasan iyo Uhuru

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sida laga yeelayo heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen madaxweynihii hore ee Kenya Uhura Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaluya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya William Ruto ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada dhinac kala saxiixdeen.

Daauud Aweys waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ee maanta la dhaariyey uu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah martida munaasabaddaas ka qaybgashay.

Wasiir Daa’iid ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto ay horey taleefoon uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo kulan guud oo ay yeelanayaan kadib xafladda caleema saarka.

“Heshiis kasta oo ay galaan labo dal waa mid sii socon doonna haddii dowlad hore ama mid cusub ay saxiixdo, haddii ay jiraan arrimo farsamo way jiri karaan guddiyo saxa si heshiiskaas uu usii socdo,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Waddamada gobolka ku yaalla oo dhan waxa ay heshiis ku yihiin amniga oo waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan ku howlgalla magaca ATMIS.”

William Ruto ayaa dhawaan sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan la qaadan doono, wuxuuna ganacsatada qaadka ee Kenya u ballan qaaday in qodobka ugu horreeyo ee uu kala hadli doono uu noqon doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga labada dhinac.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojisay qaadkii laga soo dhoofin jiray Kenya, waxaana dib u fasaxay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay heshiis wada saxiixdeen madaxweynaha xilka ka dagay ee Kenya Uhuru Kenyatta.