Bilaal Bulshaawi oo caawa Muqdisho lagu dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa caawa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, aadna loogu yaqaan magaca ah Madaxweynaha Tiktok-ga.  

Wiil ka mid ah ehellada Bilaal Bulshaawi ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Bilaal laba xabadood looga dhuftay dhegta iyo afka, inkastoo uusan sheegin sababta loo weeraray.

Dhaawac halis ah ayaa goobta looga qaaday Bilaal iyo qof kale oo la socday.

Falkaan ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan Bilaal lagu arki jiray.

Weli ma jirto cid faahfaahin rasmi ah ka bixisay xaaladda uu ku sugan yahay Bilaal Bulshaawi oo dhaawaciisa isbitaal loola cararay, sidoo kale lama oga sababta loo beegsaday.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka jirta tuugo xiliyada habeenkii ah dadka ka dhacda taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan, kuwaas oo mararka qaar dila qofka ay dhacayaan.

Hase yeeshee lama oga in weerarkaan caawa lagu dhaawacay wiilkaan caanka ka ah baraha bulshada uu la xariiro dhac ama beegsi toos ah, toona.