25.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Garyaqaan caan ahaa oo MUQDISHO lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay Garyaqaan ka tirsanaa maxkamadaha dalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Allaha u naxariistee Abuukaate Maxamed Warsame waxaa lagu dilay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan. Waxaana baxsatay kooxdii dishay oo bistoolado ku hubeysneed.

Al-Shabaab oo inta badan dilal ka fulisa Muqdisho, weli ma sheegan dilka maanta loo geystay Abuukaate Maxamed Warsame.

Garyaqaanka ayaa maxkamadaha dalka ka difaaci jiray eedeysanayaasha wajahaya dacwadaha adag, si rasmi ahna looma oga cida geysatay dilkiisa.

Qaar ka mid ah qareenadii uu lasoo shaqeeyey Abuukaate Maxamed Warsame ayaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa nin aad u bartay qaanuunka oo wax ku bartay jaamacadaha dalka Yemen.

Wuxuu sanadihii u dambeeyey ka shaqeynayey maxkamadaha dalka, welina laamaha amnigu war kama soo saarin dilka Garyaqaankaan.

- Advertisement -

Read more

Local News