Beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo ka hadlay dagaalkii degmada Marka

Muqdisho(Caasimada Online) – Maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in degmada Marka ay kusoo duuleen ciidamo taabacsan maleeshiyo ka tirsan beesha Habar-gedir, sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay beentahay in degmada lagala wareegay oo ay ku sugan yihiin ciidamadiisa sida uu hadalka u dhigay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay degmada Marka ay yihiin kuwa beesha Habar-Gidir, oo saacado dagaal uu socday kadib la wareegay magaalada.

Habeenimadii xalay dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow iyo Buufow halkaasi oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo sidoo kale ay qabsadeen maleeshiyada Habar-Gidir.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamo cusub saaka lagu arkayo magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gabi ahaanba degmada laga saaray ciidamada maamulkii halkaasi ka ariminayay.

Xaalada degmada Marka ayaa ah saaka mid cakiran waxaana adag in la qiimeeyo sida xalada ay tahay.

Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Imaamka Beesha habar Gedir Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble ayaa sheegay in magaalada Marka ay la wareegeen ciidamada Beesha uu ka dhashay, kuwaasi oo uu sheegay in markii hore laga soo saaray degmadaasi beerahoodana xoog lagu heystay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada beesha ay howlgalo ka sameynayaan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu cadeeyay in inbadan xoog looga heystay degmada oo dadkooda lagu dilay degmada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com