Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha Sh/Hoose iyo dagaal kale oo dhacay

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa xaalad degenaan ah laga dareemayaa degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo maanta ay la wareegeen ciidamo taabacsan Beesha Habar-gedir kadib dagaal saacado qaatay oo ilaa xalay ka socday duleedka degmada Marka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa inoo sheegay in degenaan la dareemayo wallow la sheegayo in bililiqo ay ka socoto degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale dagaal qasaaro geystay oo u dhaxeeyay ciidamada kala matalaya labada beelood ayaa maanta ka dhacay deegaanka No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamadii horay halkaasi u joogay lagala wareegay.

Dagaaladaasi ayaa la sheegayaa inay sababeen dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin qasaaraha ka dashay dagaalka Degmada No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyihii Degmada Marka oo dhankiisa saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay dhinac ka heystaan degmada Marka halka dhinacyada kale ay joogaan ciidamadii degmada la wareegay saaka.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegayaa inaysan sameynin wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ladhihi sheeda ayay ka daawanayaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa sheegay inay dalbanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ceeb iyo lama arkan ay tahay in dib loogu laabto waxyaabo mar hore laga soo gudbay oo uu kala jeeday dagaalada dhanka qabaa’ilka ku saleysan.

Dhanka kale Ismaaciil Macalin Muuse, gudoomiyaha gudiga dib uhishiisiinta qaranka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho kadib kulan ay yeesheen ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha iyo madaxweynaha ay u xilsaareen xal ka keenista dagaalada Shabeelaha Hoose.

Dhankiisa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo kusoo laabtay Muqdisho ayaa amar siiyay ciidamada maletariga dalka, kaasi oo ku aadan inaysan ka qeyb galin dagaalada dhanka beelaha ku saleysan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com