Daawo: DF oo heegan buuxa gelisay ciidamada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda badda, kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee kowdii bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo abuuray xiisad diblimaasiyadeed oo weyn.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo maanta kormeeray ugu tegay ciidanka badda ayaa siiyay amar culus oo ku aadan difaaca biyaha Soomaaliyeed.

Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha ah iyo cadow shisheeye oo u hanqal taagaya baddeenna.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xoogga dalka Soomaaliyeed uu awood u leeyahay ka hortegga cadow kasta oo kusoo duula Soomaaliya, ayan sameyn wax kasta oo dadaal ah.

“Cadowga laga hadlaayo ee badda ama mid dhow ha noqdo ama shishe ha noqdee inay intuba ay u hanqal taagayaan, waxaa la’idinka rabaa marka inaad u diyaar garowdiin cadowga guduhu waxba nagu qaadan maayo, cadow dibadeedna sidoo kale waayay isaguna waxba nagu qaadan maayo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray ciidamada badda Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa in ciidanka badda uu dib u bilaabo shaqooyinka uu lahaa, waa inuu u diyaar garoobo shaqo culus oo hortaalla” ayuu mar kale yiri Taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.

“Baddaan weyn ayaa ilaalo naga rabto, si loo ilaaliyana waa in laga faa’iideysto xoogag cusub ee maanta kusoo biiray Ciidamada Xoogga dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ciidamo cusub oo badeed usoo tababartay dowladda Eritrea, kuwaas oo sanadkii hore ee 2023 lagu soo celiyay gudaha dalka.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa oo ay si weyn uga carootay dowlada Soomaaliya.