Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan cusub oo la xiriira CORONAVIRUS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay meesha uga saareyso baaristii waajibka aheyd ee Coronavirus, kaasi oo markii hore waajib ku ahaa dadka u soo safraya Soomaaliya iyo kuwa ka dhoofaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in go’aankaan cusub uu yimid kadib markii uu hoos u dhac weyn ku yimid caabuqa COVID-19.

“Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid). Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay wasaaraddu in dadka ka dhoofaya Soomaaliya looga baahan yahay inay iska hubiyaan una hogaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID-19.

“Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri-galinaysay muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortaga halista Caabuqa COVID-19.”

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina usoo jeedisay muwaadaniinta inay qaataan talaalka COVID-19, islamarkaana ka ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda qatarta caabuqaan.