Kadib qaraxyadii Zoobe 2, maxaa ka socda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo xilsaaray Gurmadka dadkii dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe 29-kii October 2022 ayaa bilaabay tirakoobka dadkii uu galaaftay noloshooda, kuwa dhaawacmay iyo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay qaraxyadaas.

Sidoo kale waxaa xarunta gurmadka iyo xiriirinta qaraxyadii Zoobe 2 ka socda howlo la xiriira sidii meel la isugu geyn lahaa tirada dadka dhaawacyada ah ee laga diiwaan-geliyay goobaha caafimaadka, dadka dhintay iyo kuwa la waayay, si warbixin dhameystiran looga soo saaro.

Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasimaha Guud ee Yareynta Musiibooyinka ayaa dhankiisa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir ay ka sugayaan gargaar ay ugu deeqeen dadka dhibaateysan.

“Ummadda Soomaaliyeed meel weliba ha joogtee gurmad bay wadaan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku howlan tahay tirakoobka dadkii dhintay, dhaawacmay, kuwii la waayay, qiimeynta Hantida burburtay haddii Gaadiid ama Guryo ahaan lahaayeen, waxaa halkaas ka dhashay Mid dhaawacmay oo naafoobay iyo mid agoon ka tagay, qof weliba waa in uu gacan ka geystaa Gurmadka,” ayuu yiri.

Xarunta Gurmadka ayaa waxaa laga sugayaa inay soo saarto warbixin dhameystiran oo la xiriirta khasaaraha kala duwan ee ka dhashay qaraxyadii Zoobe 2, si loo ogaado baaxada khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Qaraxyadii Sabtidii ka dhashay isgoyska Zoobe ayaa warbixinada hordhaca ah waxay sheegayaan in tirada dhimshada ay ka badan tahay 100 qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 300 qof.