Qorshaha sirta ah ee MASAR iyo Imaaraadka ay Soomaaliya uga qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka wada hindise sir ah oo askar ahaan loogu qoray 3,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, waxaa sidaas maanta shaaca ka qaaday wargeyska caanka ah ee Middle East Eye. 

Qorshahan oo billowday bilo ka hor, ayaa dhallinyarada la qoray oo da’doodu u dhaxeyso 18 illaa 28, ayaa waxaa loo ballan-qaaday shaqooyin mushahar wanaagsan leh, waxaana qaar badan oo ka mid ah goor horeba tababar militari loogu diray Masar, ayada oo qarashka ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta. 

Hindisahan ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi doono shaki xooggan oo ka yimaada dalka deriska ah ee Itoobiya oo xiisad ay kala dhaxeyso Masar, iyo sidoo kale dalalka Turkey iyo Qatar oo sanadihii dhowaa saameyn ku lahaa Soomaaliya.

Qaar ka mid ah kuwa lagu tababarayo xerada Damanyo ee Muqdisho, waxaa ku jira wiil yar oo la dhashay Mustafa Cabdullaahi. 

Mustafa ayaa ka walaacsan walaalkiis oo sababo amni dartood uusan magaciisa shaacin, balse ku sheegay 28 jir horey u wadi jiray Mooto Bajaaj. 

Mustafa ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye inuu u careysan yahay mas’uuliyiinya dowladda Soomaaliya oo walaalkiis ka dhaadhiciyey inuu ku biiro tababarka si uu u helo lacag uu ku caawiyo gabar yar oo uu dhalay.

“Maadaama aan ahay walaalkiis ka weyn, iguma uusan wargelin markii uu tegayey, waana ka walaacsanahay xaaladdiisa,” ayuu yiri Mustafa.

“Waxaa hadda naloo sheegay inuu xaalad adag ku sugan yahay oo ka jirta xerada, islamarkaana la filayo in dhowaan loo qaado xero militari oo ku taalla dalka Masar,” ayuu ku daray.

 “Waxaan sidoo kale ogaanay in loo ballan-qaaday mushahar bishii ah $500,” ayuu Mustafa oo ku nool Baydhaba u sheegay Middle East Eye. 

Si ka duwan Mustafa walaalkiis, wiil kale oo la qoray oo lagu magacabo Maxamed balse codsaday inaan magaciisa buuxa la shaacin ayaa awooday inuu xerada Damanyo kasoo baxsado Sabtidii lasoo dhaafay. 

Maxamed oo ay isla tababaranayeen Mustafa walaalkiis, islamarkaana taleefon gacmeedkiisa laga qaatay markii uu xerada tegay, ayaa sheegay inuu u dulqaadan waayey xaaladaha adag ee tababarka xerada, oo ay ka mid yihiin cunto iyo dawo la’aan.

Dhimashooyin ka dhacay gudaha xerada

Maxamed ayaa sheegay in xaaladda xerada ay aad u xun tahay oo shan dhallinyaro ah ay ku dhinteen bartamihii October. 

“Qiyaastii 120 naga mid ah ayaa waxaa bartamihii September laga soo qoray magaalada Baydhaba, waxaana naloo sheegay in tababar na loogu qaadayo Masar,” ayuu Maxamed u sheegay Middle East Eye.

“Waxaan doortay inaan ku biiro, maadaama la ii sheegay inaan lacag ku helayo. Illaa 2,000 ayaa ku sugan gudaha xerada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in sarkaal amni oo Soomaali ah uu u sheegay in Imaaraadka Carabta uu soo nooleynayo joogitaankiisii militari ee Soomaaliya, islamarkaana dhowaan ay u safri doonaan Masar oo lagu tababarayo.  

Dhallinyarada la qoray oo badankood kasoo jeeda qoysas sabool ah ayaa la mariyey hubin caafimaad iyo mid amni ka hor inta aan la diiwaan-gelin. 

Maal-gelinta Imaaraadka Carabta

Saraakiil sare oo amni oo Soomaali ah, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay Middle East Eye, in howsha qorista ay si sir ah u wadaan shaqsiyaad ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la shaqeynaya saraakiil amni oo Imaaaraati iyo Masaari ah. 

“Waxaan qoray in ka badan 50 ka mid ah oo aan isku qabiil nahay, waxaana la geeyey caasimadda si ay u maraan tababarka,” ayuu yiri siyaasi sare oo Soomaali ah. 

“Qorshahan kuma lug lahan qabiilo badan, waxaana ogahay inuu yahay mashruuc wadajir ah oo Imaaraadka Carabta ay si buuxda u maal-gelinayaan halka Masar ay fulineyso tababarka.”

Saraakiil sare oo amni, oo isugu jira kuwa hore iyo kuwa hadda xilal ah oo ku sugan gobolka, iyo khuburo kale, ayaa dhammaantood u xaqiijiyey Middle East Eye ku lug lahaanshaha Masar iyo Imaaraadka Carabta.

“Waa dhab iyo Masar iyo Imaaraadka Carabta ay qorayaan ciidamo, waxaana badankood laga soo xulay baadiyaha, booliska iyo militariga,” ayuu yiri sarkaal sare oo Soomaali ah oo ku lug leh qorshaha qorista oo la hadlay Middle East Eye.

Sarkaalka oo codsaday inaan magaciis la shaacin, ayaa sheegay in tababarka uu ka socdo gudaha Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo dekedda Boosaaso oo Imaaraadka ay ku leeyihiin xarun tababar oo horey loogu tababaray ciidamada mariiniska Puntland.  

Ilo-wareedka ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada ay aadeen Masar.

Sawirro uu helay Middle East Eye ayaa muujinaya dhallinyarada la qoray oo wata jaakado iyo saraawiil buluug ah, madaxana laga xiiray, kuwaas oo ku sugan xerooyin militari kahor inta aan loo qaadin xerada Damanyo ee Muqdisho.

Qiyaastii 10 ka mid ah dhallinyarada ayaa la dilay horreentii October markii weerar is-miidaamin ah ay xerada la beegsatay kooxda Al-Shabaab. 

Marka loo barbardhigo mushaharka militariga dowladda oo bishii ah $200, ciidamada ay tababareen Imaaraadka ayaa la rumeysan yahay inay bishii qaataan $400, taasi oo dhallinyaro badan ku dhiiri-gelineysa inay ogolaadaan in la qoro.

Wargeyska Middle East Eye ayaa la xiriiray mas’uuliyiinta Abu Dhabi iyo Qaahira oo arrintan wax laga weydiiyey balse jawaab ma bixin.

Dhaqan laba wejiilenimo ah 

Si ka duwan askarta ay Turkiga ku tababaraan Soomaaliya, ciidamada ay qorayaan Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa laga dhigay kuwo sir ah.

Kuwa ku lugta leh ayaa looga digay inaysan shaacin wax xog ah oo ku saabsan qorshaha qorista, inkasta oo qorshaha noocan ah aanu ku cusbeyn Soomaaliya. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si aad ah loogu cambaareeyey qorshe sir ah oo kumanaan askari uu tababar ugu diray dalka Eritrea, kuwaas oo weli aan dalka kusoo laaban.

Kuwa Farmaajo sida aadka ah u cambaareeyey waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka ka beddelay ee Xasan Sheekh Maxamuud, oo xulufo dhow la ah Imaaraadka Carabta iyo Masar.

“Dhallinyaro ay waalidkood waqti iyo dadaal kusoo bixiyeen ayaa loo sheegay in ciidamada dalka loo qorayo si ay shaqo u helaan, kadibna waxaa loo diray Eritrea,” ayuu xilligaas yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Ma jirto cid xog ka haysa halka ay jiraan. Waa laga qariyey shacabka, waana la iibiyey.”

Isaga oo ogolaanaya hanaankan, dadka dhaliila madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyey inuu Soomaaliya lugaha u geliyey xasaradda gobolka ee webiga Nile ee xumeysay xiriirka dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan.

“Nasiib darro, in Imaaraadka iyo Masar ay ku lug yeeshaan hanaanka amnigeena, dan uguma jirto dalka,” ayuu yiri sarkaal amni oo Soomaali ah oo la hadlay Middle East Eye. 

“Si gaar ah, ku lug lahaanshaha Qaahira wuxuu ka careysiin doonaa Addis-Ababa, maadaama xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhaxeyso labadan dal ee webiga Nile.”

Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Wax badan ayaan la wadaagnaa Itoobiya, oo ay ku jirto joogitaanka ciidankeeda ee dalkeena, xuduudda ugu dheer ee aan dal la wadaagno oo ah 1,600 km iyo inaan ka wada tirsannahay Midowga Afrika iyo IGAD,” ayuu yiri sarkaalka.