Jabuuti oo go’aan ka gaartay dalabkii deg-degga ahaa ee ay u gudbisay DF Soomaaliya

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo shir ka yeelatay dalabkii ay dhawaan u gudbisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in maanta magaalada Muqdisho loo diro dhaqaatiir caafimaad.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha iyo inta badan madaxda sare ee dalka Jabuuti u qaabilsan caafimaadka ayaa waxa lagu sheegay inay waajib tahay in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala gaaro walaalaha Soomaaliyeed.

“Waa in aan istaageersi u muujino walaalaheena Soomaaliyeed intii aan karno kaalmo caafimaad in aan u fidino dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi axmaqnimada ah, si ay si wanaagsan uga soo kabtaan dhaawacyada soo gaaray,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhakhaatiirta loo soo dirayo Muqdisho ay yihiin koox caafimaad oo ah kuwa sida gaarka ah u qaabilsan gurmadka caafimaad, islamarkaana u dhameystiran yahay qalabkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaawacyada wax looga qaban waayo gudaha magaalada Muqdisho ay si deg deg ah ugu soo daad-gureyn doonaan dalka Jabuuti, maadama halkaasi ay farsamada kaalmeynta caafimaad aad uga sii wanaagsan tahay.

Maanta ayaa lagu wadaa in kooxda dhakhaatiirta ah iyo agabkooda caafimaad ay kasoo dagaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo si toos ah u bilaabi doona howlaha caafimaad ee uga qeyb noqonayaan samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii.

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid aheyd afar dal oo si gaar ah ay dowladda federaalka Soomaaliya uga codsatay inay dhakhaatiir usoo direen, si ay qeyb uga noqdaan badbaadinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2.