Ujeedka farriintii Al-Shabaab usoo dhiibeen Mahad Karataay iyo waxa ka dhallan kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dhawaan Muqdisho kusoo idlaaday shir ay lahaayeen culimada Soomaaliyeed, wasaaradaha diinta ee heer maamul goboleed iyo middad heer federaal lagana soo saaray fadwo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo sheegeysa inay ka been abuuranayaan Diinta Islaamka, ayna xaq tahay in lala diriro, ayaa dhinaca kale Al-Shabaab waxay qaaday laba tallaabo oo ay hoos ugu dhigeyso miisaanka bayaanka culimada.

Labadaasi tallaabo mid waa inay shir isugu keeneyn wadaaddaa ku nool dhulka ay heystaan si ay u jeediyaan bayaan kaas liddi ku ah, midda labaadna waa laba qarax oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 120 qof oo shacab ah.

Madaxa amniyaadka ee kooxda Al-Shabaab Mahad Warsame oo Karataay loo yaqaano ayaa sii daaiyey farriin toban daqiiqo ah oo uu ku sheeganayo mas’uuliyadda xasuuqii Zoobe 2.

Mahad Karataay, oo la fahamsan yahay inuu waayahaan qeyb ka yahay khilaafka kooxda dhexdeeda ka jira ee ku aabsan hoggaanka sare, ayaa sii matalaya afhayeenka la aaminsan yahay inuu dhaawac qabo ee Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wuxuu sheegay Mahad Karataay inuu bartilmaameedkooda qaraxyada ahaa wasaaradda waxbarashad aee dowladda Soomaaliya, ayna qaraxii koowaad ku dhufteen wasaaradda balse kan labaad uu bannaanka ku qarxay.

Inuu Mahad Karataay farriinta u leexiyo dhanka wasaaradda waxbarashada waxay muujineysaa inuu garan la’yahay si ay kooxda u qaadato xasuuqa shacabka soo gaaray iyo inuu hoos u dhigo carada shacabka ee ka dhalatay ficilkaan guracan.

Wuxuu si jees jees ah u sheegay inay dowladda qaadaneyso mas’uuliyadda dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhintay, sababtana wuxuu ku tilmaamay inay ciidanka xabadeeyeen gaarigii siday qaraxa labaad kadiba uu sidaasi ku qarxay.

Macnaha haddii aan la xabadeyn laheyn gaarigaasi gudaha wasaaradda ayaan geli laheyn, shacabkuna ma dhinteyn, ayuu ku doodayaa Karataay.

Farriinta Mahad Karataay oo sida muuqata ay Al-Shabaab ugu talogashay inay ku damiso carada shacabka ee ka dhalatay xasuuqii Zoobe 2 ayaa u muuqata mid uga sii darreysa xaaladda maadaama uu Karataay ku jees jeesay qoysaskii uu dhibka soo gaaray.

Hadalka Mahad Karataay ee lasii daayey waxaa ku jirtay qeyb kale oo ay ku baneysanayaan dhigga shacabka. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku dhaqan oo ay kooxda xasuuqeysay 13-kii sano ee lasoo dhaafay uma harin waqti badan oo ay daawadaan xasuuqa kooxda Al-Shabaab .

Al-Shabaab waxay sidoo kale weerarki Zoobe ku dadeen xasuuq kooxda kasoo gaaray dagaal ay ku galeen deegaanka la yiraahdo Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay kooxda boqolaal maleeshiyo ah uga dhimatay kadib markii laga fuliyey duqeymo badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadan oo ay leeyihiin saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo ugu dambeyn laga qabsaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud illaa iyo hadda kama hadlin dagaalkaas uu khasaaraha badan kasoo gaaray kooxda.

Kooxda waxay heysataa dhallinyaro dadkii dhalay khasab ay uga soo wadatay oo ay maalinba dalka qeyb kamid ah ku gubto.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa hor taalla inay u midoobaan in lasoo afjaro kooxda si xataa loo badbaadiyo kuwa xaggooda ku dhimanayo ee Soomaalida ah oo ay dabka ku shubayaan maalin walba oo aysan jirin cid kula xisaabtameyso ayey leeyihiin dadka waxgalka ah ee Soomaaliyeed.