DF Soomaaliya oo mar kale caawa shaacisay kiisas aad u badan Coronavirus ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxaana lagu shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 29 qof loo diiwaan geliyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

21-qof oo ka mid ah 29-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas ayaa ah lab ama rag. Halka sideeda kalena ay dumar yihiin.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda ee caawa soo baxday ayaa lagu sheegay in hal qof oo ka mid ahaa dadkii horay loo shaaciyey uu ka bogsaday cudurkaas.

Warbixin inta cawanimo kasoo baxday guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah, kaas oo laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland.

Sidoo kale Somaliland ayaa maanta shaacisay hal kiis oo isla cudurkan ah, taas oo tirada guud ee dadka ku nool deegaanada Somaliland ee laga helay cudurkaas ka dhigeysa lix kiis.

Warbixinta caawa kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma cadeyn halka ay ku kala noolyihiin 29-ka qof ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay loo diiwaan geliyay in ay qabaan Coronavirus.