DF oo shaacisay tirada Shabaab maanta lagu laayey degaanka Daaru-naciim

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ku laayey deegaan lagu magacaabo Daaru-naciim oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

War ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Al-Shabaab maanta deegaankaas looga dilay 40 dagaalame, kuwaas oo isku uruursanayey degaanka Daaru-naciim.

“40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay  howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka  ay ka fuliyeen tuulada Daaru-naciim oo ahayd saldhig ay isku abaabulayeen khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warkaan ay tebisay warbaahinta dowladda.

Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ayaa baabi’iyay fariisimihii Khawaarijtu isku uruursanayeen, waxaana Daaru-naciim iyo dadkeeda harsanayaan niicowda xorriyadda.”

Wararka madaxa banaan ee laga helayo deegaanadaas waxay sheegayaan in Al-Shabaab lagu duqeeyey maanta gelinkii hore deegaanka Daaru-naciim, halkaas oo aad loogu laayey kooxda.

Sawirro laga soo qaaday goobihii lagu laayey kooxda ayaa muujinaya meydad aad u badan, iyadoo dagaalyahanadii Al-Shabaab ay ku wada dhinteen dhufeysyadii u qodnaa.