Sawirro: Dowladda oo lagu wareejiyay rag hubeysan oo qeyb ka noqonaya dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ku wareejiyay rag hubeysan.

Raggaan hubeysan ayaa hadda kadib waxay qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee ka dhanka Al-Shabaab, si looga sifeeyo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad-celiyay reer Furqaan garab istaaga ay u muujiyeen Ciidanka Qaranka iyo sida ay uga go’an tahay la-dagaalanka argagixisada.

Madasha wareejinta ciidanka iyo saanadooda ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxyadiin Xasan Jurus iyo saraakiil ciidan.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah baaq uu dhawaan jeediyay Jeneraal Biixi, kaasi oo ahaa in dadka deegaanka ay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya dagaalka Al-Shabaab.

Deegaanka Furqaan oo hoostagta degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa sanado badan gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhawaan ka xoreeyay argagixisada.