25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gadood ka dhacay xabsiga dhexe ee Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya shaqaaqo goordhow ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii hakaasi laga maqlay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ilaalada xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista xiran oo gadood sameeyay, waxaana kadib arrintu ay isku rogtay gacan ka hadal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maxaabiista gadoodka sameeyay ayaa garaacay qaar kamid ah askarta, iyaga oo u gaystay dhaawacyo jireed kadibna waxaa rasaas adeegsaday ciidanka, taas oo dhalisay khasaaraha.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku dhintay falkan, halka ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale oo haatan lagu dabiibayo isbitalka guud ee Boorama, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah howlwadeennada isbitaalka guud ee magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo iyo maamulka degmada, isla markaana la xiriira dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay xabsiga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo dheeraad ah la geeyay gudaha xabsiga, si ay uga hortagaan xiisadda ka taagan halkaasi.

Xabsiga Boorama ayaa ah mid ciriiri ah oo uu culays badan saaran yahay, taas oo kordhisay khasaaraha ka dhashay shaqaaqada maanta ka dhacday halkaasi.

Marar badan ayay Boorama ka dhaceen isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan ka hortaga ciidanka ammaanka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News