27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Israa’iil oo shaacisay in uu madaxweyne Macron ku soo qaaday ‘dagaal crusade ah’

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii si kulul u weerartay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyadoo ku eedeysay inuu “dagaal crusade ah” ku hayo dowladda Yuhuudda, kadib markii uu ugu baaqay dalalka Yurub inay adkeeyaan mowqifkooda haddii Israel aysan wax ka beddelin xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Gaza.

“Ma jiro go’doomin bini’aadaninimo. Waa been cad oo laga faafinayo Israel,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel, oo difaaceysey dadaalka ay ku sheegtay in dalkaasi u galayo fududeynta gargaarka bani’aadannimo.

“Balse halkii uu cadaadis saari lahaa kooxaha jihaad-doonka ah, Macron wuxuu doonayaa inuu abaalmariyo iyaga, isagoo ku dhiirrigelinaya in loo aqoonsado dowlad Falastiini ah. Shaki kuma jiro in maalinta qarankeedu noqon doonto 7-da Oktoobar,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xiganayo weerarkii Xamaas ku qaaday Israel sanadkii 2023, kaas oo horseeday dagaalka Gaza.

Todobaadkii hore, Israel waxay si xaddidan uga qaaday go’doonkii muddo laba bilood ka badan saarnaa Gaza, halkaasoo ay ka jirto cunto yari, biyo la’aan, iyo daawo la’aan daran – inkastoo ay bilaabatay in gargaar bani’aadannimo kooban uu gudaha u galo.

Madaxweyne Macron ayaa dhankiisa kordhiyay taageerada uu u muujinayo shacabka Falastiin. Isagoo khudbad ka jeedinayay shir difaaca caalamiga ah ee ka dhacay Singapore Jimcihii, ayuu sheegay in dalalka Yurub ay tahay “inay adkeeyaan mowqifkooda wadajirka ah” haddii Israel aysan si dhab ah uga falcelin xaaladda bani’aadannimo ee Gaza – isagoo xusay in xitaa cunaqabatayn la tixgeliyo.

“Haddii aan Gaza ka jeesanno, haddii aan siino Israel marin furan, xitaa annagoo cambaareynayna weerarrada argagixisada, waxaan luminaynaa kalsoonida caalamka,” ayuu yiri Macron.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aqoonsiga dowlad Falastiin ah, iyadoo la raacayo shuruudo cayiman, uu yahay “waajib anshaxeed iyo baahi siyaasadeed.”

Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u martigelinaya shir caalami ah oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaas oo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo hindisaha xalka laba dowladood — qorshe si adag uga soo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa bartiisa X ku qoray in dalkiisu taageersan yahay “dowlad Falastiin ah, kana mid noqon karta qaab-dhismeed amni oo goboleed oo ay ku jirto Israel.”

“Tani waxay danta ugu jirtaa shacabka Israel iyo amnigooda. Waa xalka kaliya ee lagu beddeli karo xaaladda dagaalka joogtada ah,” ayuu raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, oo ka jawaabayay hadalka Barrot, ayaa ku dooday in Israel aysan u baahnayn cid u go’aamisa danaha ay leedahay.

“Shacabka Israel si buuxda ayay uga soo horjeedaan in dowlad Falastiin ah laga dhiso bartamaha dhulkooda hooyo,” ayuu yiri Saar.

 

- Advertisement -

Read more

Local News