Baladxaawo (Caasimada Online) Maanta oo Jimco waxaa qaybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobalka Gedo ka dhacay dibad bax kii ugu ballaarnaa oo waayahan halkaas ka dhaca.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyin ay ka mid yihiin Buulo Xaawo, Luuq iyo kuwa kale kuwaasoo watay sawirka raysal wasaaraha cusub Cabdiwel Sheekh Axmed ee shaley uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wariyaal ku kala sugan goobaha dibad baxyada ay ka dhaceen ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in aysan jirin dad soo abaabulay dibad baxyada ka dhacay maanta Gedo, balse waxa ay tilmaameen in ay iskood isku soo abaabuleen waxaana ay soo dhaweenayaan in xilka wasiirka koowaad loo magacaabo shakhsi ka soo jeeda gobalka Gedo.
Sidoo kale, dibad baxyo lagu soo dhaweynaayo raysal wasaaraha cusub waxa ay kaloo dhaceen magaalooyinka Muqdisho Caabudwaaq.
Waa dibadbaxyadii ugu horreyay ee lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee shaley uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay raysal wasaaraha cusub, iyagoona ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad wax tar leh.
Waa raysal wasaarihii labaad oo muddo 14-bil ay yeelato Soomaaliya, waxaana laga warsugayaa bal in ay codka kalsoonida siiyaan xildhibaannada baarlamaanka iyo in kale.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

