Sawirro: Diyaarad sidday rakaab oo maanta ku dhacday garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Diyaaradda oo sidday rakaab ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday agagaarka dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay soo dhacday diyaarad lagu magacaabo Hala Airline.

Waxaa diyaaradda saarnaa ku dhowaad illaa 30 qof oo rakaab ah, waxayna ka timid magaalada Garoowe, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan diyaaradeed uu geystay khasaare  dhaawac ah iyo burbur soo gaaray diyaaradda.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Telefishinka Qaranka ayaa ka warbixisay shilkan, waxayna sheegtay inuu ku dhaawacmay hal qof.

Sidoo kale waxa ay beenisay in diyaaradda soo dhacday ay la socdeen ra’iisul wasaareyaashiii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay inay saarnaayeen diyaaraddaasi.

“Ra’iisul wasaarayaashii hore ee la sheegay inay saarnaayeen ma aha diyaaraddii ay la socdeen diyaarad kale oo aan soo caga dhigan ayay saaran yihiin, waana Fly kale oo Hala Airline ah” ayay tiri wasiir Fardowso Cismaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in uu socdo gurmad loo fidinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda, waxaana hakad galay duulimaadka garoonka Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:-