Faarax Yare iyo xubno kale oo lagu dilay howl-gal culus oo ka dhacay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyay in howl-galkaan oo iska kaashadeen ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay horjooge iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Horjoogaha lagu dilay howl-galkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Yare, ayada oo lagu beegsaday isaga iyo xubno kale oo la soccay xilli ay marayeen tuullada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, labo maleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen soo uruurinta lacagaha baadda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo ahaa oday dhaqan beenaad, kaasi oo Shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji ayaa isna lagu soo afjaray howl-galkaas.

Biriq ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hore ugu abaalmarisay qori iyo gaari Toyota Probox ah, ayada oo xilliga uu howl-galku dhacayay uu halkaas u joogay in kooxda u geeyo qori iyo boosh ay madax-furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen, sida ay sheegtay dowladda.

Howl-galkaan ayaa imanaya xilli ciidanka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay howl-gal qorsheysan ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Isku soo wada duubo, dowladda oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ayaa sheegtay “inay ka go’an tahay in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo,” islamarkaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada kooxda.