Fu’aad Shongole-hii ay Itoobiya sheegtay in la dilay oo farriin culus soo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo hadlay tan iyo markii ay dowladda Itoobiya sheegatay inay dishay.

Fu’aad Shangole ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada Itoobiya ee dilkiisa, isaga oo sheegay inaysan weligood guul arki doonin maadama ay dhawaan ku joog-joogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka, sida uu sheegay.

“Waaniga aniga oo nool la hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta in aan noolnahay oo sharaf leenahay. Waa noolahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yiri Fu’aad Shangole.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in weeraro hor leh ku beegsan doonaan ciidamada Liyuu Booliska, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu liita maleeshiyaadka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba”, islamarkaana ay joogteyn doonaan beegsiga ciidamadaas.

“Waxay ku dambeyn doonaan (Ciidamada Liyuu Booliska) darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas-aasay (oo uu kala jeedo Cabdi ileey).”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku dheeraaday kalimado dhiiri-gelin ah oo dagaal-yahaanada ku riixaya inay sii wadaan dagaalka, isagoo guulo waaweyn ka sheegtay dagaaladii u dambeeyay ee ku qaadeen ciidamada Itoobiya.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa dhawaan u sheegay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency inay dileen sedax hoggaamiye oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.