Mukhtaar Roobow oo kulamo la billaabay xildhibaanada xilli ay mucaarado ka timid beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya ayaa bilaabay xod-xodashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, si codkooda kalsoonida ay uga helaan.

Wasiirrada durba qaabilay xildhibaanada beeshooda ku metela baarlamaanka waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay loo magacaabay wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Mukhtaar ayaa maanta la kulmay xildhibaanada jufasiida hoose ee Liisaan ku metela golaha shacabka, waxaana la sheegay inuu ka codsaday in codkooda kalsoonida ay siiyaan xukuumadaan uu ka tirsan yahay.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xubnaha maanta deg deg u qaabilay xildhibaanada metela, si codka kalsoonida ay uga helaan.

Wasiir Jaamac Taqal ayaa sidoo kale muujiyey inuu la kulmay Xildhibaannada beeshiisa, waxaana taladaan wasiirrada siiyey ra’iisul wasaare Xamse Barre oo xubnaha uu soo xushay kula taliyey in wasiir kasta uu xildhibaanada beeshiisa codka weydiisto inta aan la gaarin ansixinta.

Kulamadaan ay bilaabeen wasiirradu ee xildhibaanada looga codsanayo codkooda, waxay ku soo aadayaan iyadoo beelaha Digil iyo Mirif ay aad u saluugsan yihiin karaasta laga siiyey xukuumadda cusub.

Inta badan xildhibaanada kasoo jeeda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada olole lagu diidayo asixinta xukuumadda cusub ee shalay lagu dhawaaqay, waxayna qaarkood baraha bulshada ku soo qoreen inay saluugsan yihiin boosaska laga siiyey xukuumadda.

Xilalka Digil iyo Mirifle laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah:

1- Wasaaradda Gaashanadhigga, 2-wasaaradda diinta iyo awqaafta, 3- Wasaaradda xanaanada xoolaha, 4- wasaaradda Ganacsiga iyo 5- wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Xildhibaanada Digil iyo Mirif waxay ku doodeen in wasaaradaha la siiyey ay aad u hooseeyaan oo C ay u badan yihiin, waxaana xusid mudan in xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed ay laba jibaar ka badan yihiin kuwa ka yimid maamul goboleed kasta, taas oo cabsi weyn ku abuureysa ansixinta xukuumadda.