‘Dhaqan xumo habeenkii ka billaabatay Muqdisho oo qasabtay tallaabadii booliska’

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta wax laga weydiiyey guuxa magaalada ka jira ee ah in sababta habeenkii Bajaajta Muqdisho bandow loogu soo rogay ay tahay qorshe lagu naas nuujinayo shirakadda Tagaasida ee Dhaweeye.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka jawaabayey su’aalo ay saxaafadu weydiisay ayaa beeniyey arrintaas, isagoo sheegay in hadda ay ka fekerayaan in bandowga lagu daro tagaasida ama gaadiidka raaxada ee ku shaqeysta adeega Dhaweeye.

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshaha laga leeyahay xayiraadaan habeenkii la saaray socodka Bajaajta uu yahay sidii loo xakameyn lahaa dhaqan xumada.

“Bajaajta waxaan u joojinay, habeen xilli dambe ayaan Buundooyinka ugu imid 7 gabdhood iyo lix Bajaaj, markaan weydiiyey sababta ay xiligaas meesha u joogaan waxay ii sheegeen in guryihii laga xirtay, lix saac wixii ka dambeeya waxaaba socda mooyaan, askari ama qof ahlu marqaan ah,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax.

Wuxuu sheegay in hadda uu Muqdisho ka socdo howlgal ay ugu magac dareen ‘Samakaab’ kaas oo hadii uu guuleysto ay dib u eegis ku sameyn doonaan bandowgaan saaran Bajaajleyda Muqdisho.

Habeenkii markii la gaaro 12:00 AM ee saqda dhexe waxaa hakad gala dhamaan dhaqdhaqaaqa Mooto Bajaaj-yada ka howlgala Muqdisho, waxaana kii la qabto lagu ganaaxaa lacag 10 dollar ah, sida ay noo sheegeen dhalinyarada ku xamaalata.

Afhayeenka booliska ayaa mar uu samabeynayey xayiraadaan la saaray Bajaajta, wuxuu ka sheekeeyey dhacdooyin xun oo ay kala kulmeen ka boolis ahaan oo Bajaajleyda qaar.

Hoos ka daawo afhayeenka oo su’aalihii la hor dhigay ka jawaabaya