Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii lagu dilay Waafoow

Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday ninkii fuliyey qaraxii lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed (Wafoow), kaasi oo 27-kii bishan ka dhacay magaaladaas.

Kooxda ayaa ninka fuliyey qaraxaas oo ahaa mid ismiidaamin ah ku sheegtay magaciisa Maxamed Cali Cabdi oo magaciisa afgarashada uu ahaa Bishaar ama Fazuul.

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, ku sheegay inuu sanadkii 2000 ku dhashay degmada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, islamarkaana uu kooxda kaga soo biiray isla degmadaas.

Wuxuu sidoo kale wareysigii, oo laga qaaday kahor inta uusan is-qarxin, ku sheegay inuu ka dhashay Beesha Jiiddo, gaar ahaan Jufada Gaytiri.

Waxa uu intaas ku daray inuu markii hore ka tirsanaa kooxda Jabhadda Al-Shabaab ka hor inta uusan ku biiran qeybta is-qarxinta, isagoo sheegtay inuu kasoo qeybgalay dagaallo badan oo ka dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Qaraxa uu ninkaan fuliyey ayaa wuxuu ka dhacay iridda hore ee xarunta degmada Marka, waxaana ku geeriyooday illaa 11 qof oo uu kamid ahaa guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Waafoq..

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka geeriyooday ee Waafow uu kamid ahaa xubnihii sida weyn ula dagaalamay Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.