Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee BF oo wada olole ka dhan ah xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan xildhibaanada kasoo jeedo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee ku jiro baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada olole lagu diidayo asixinta xukuumadda cusub ee shalay lagu dhawaaqay.

Xidhibaanadaas oo qaarkood baraha bulshada qoraal kusoo qoray ayaa sheegay inay diidan yihiin qaabka loo qeybiyey xubnaha wasiirada.

Xidhibaan Maxamed Aadan Maxamed, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka kasoo galay Koonfur galbeed, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inuu baal maray hab qeybsiga beelaha, wuxuuna si cad u sheegay inuu madaxweynaha reerkiisa siiyey xubnihii ugu muhiimsanaa.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cali Xasan ayaa hal-ku-dhiggii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sheegay inuu isku badalay “Soomaali dhexdeeda dirirsan, dunidana la dirirsan”.

Xildibaanada laga soo doorty Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ka wado dhaq-dhaqaaq xooggan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano maamul goboledyada kale kasoo jeedo oo diidan qaabka wax loo qeybsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhankooda olole xooggan ka wado gudaha xildhibaanada, si loo ansixiyo xildhibaanada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socdo la hor geeyo baarlamaanka.

Golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiiro badan oo aan aheyn xildhibaano, taasi oo ka dhigan in shaqo culus ay u taallo Xasan Sheekh iyo Xamza inay xukuumadda marsiiyaan golaha shacabka

Xilalka Digil iyo Mirifle laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah: 

1- Wasaaradda Gaashanadhigga, wasaaradda diinta iyo awqaafta, 3- Wasaaradda xanaanada xoolaha, iyo 4- wasaaradda Ganacsiga iyo 5- wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Xilalka Hawiye laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah:

1- Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, 2- Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo hormarunta dhaqaalaha, 3- Wasaaradda caafimaadka, 4- Wasaaradda Batroolka iyo 5- Wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka