Daawo: Maamulka Gedo oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle ayaa si adag uga horyimid muddo kordhin uu baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyay madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wax ka badalka uu sameeyay baarlamaanka ayaa ka dhigan in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Madoobe uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Guddoomiye Buulle ayaa tallaabada uu qaaday baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ku tilmaamay mid aysan aqbali karin, taasi oo uu ka dambeeyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu si deg deg ah usoo fara-geliyo arrintaan, si xal looga gaaro Jubbaland-ta labada dhinac noqotay.

“Wax aan aqbaleyno ma aha muddo kororsi, dhibaatooyinkii muddo kororsi ka dhacay xogagaal ayaa ka tahay Madaxweyne waxaa aamisanahay in isku haleyn dhankaaga lagu ansixiyay, waa in aad jawaab deg deg ah ka bixisa xukuumadaada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka deyriyay xaalada maamulka haddii arrintaan sidaas kusii socoto, aysana marnaba yeeli doonin isku-deyga uu ku meel-marsanayo xukun dheereysiga, sida uu hdalka u dhigay.

“Doorashadii u dambeysay ayaa ku kala tagnay anaga iyo Axmed Madoobe illaa hadda ma jirto wax dib u heshiin ah oo la iskugu yimid. Waxaa ballan-qaad sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana ka warsugeyna.”

Si kastaba, markii u horeysay ma aha ee maamul uu muddo kordhin ku sameeyo muddo xileedka madaxda, ayada oo horey sidan oo kale muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taagan yahay.