Imaaraadka Carabta oo qaatay go’aan lama filaan ah oo ku wajahan xiriirka Iran

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Axaddii sheegtay in safiirkeeda caasimadda Tehran ee dalka Iran uu maalmo gudahood ah dib ugu billaabi doono shaqadiisa.

Imaaraadka ayaa hoos u dhigay xiriirka labada dal ayaa muddo lix sanno laga joogo isaga oo taageero ugu muujinaya Sucuudi Carabiya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa lagu yiri: ‘Ambaasadoor Saif Mohammed al-Zaabi wuxuu dib uga billaabi doonaa shaqadiisa safaaradda Imaaraadka ee Iran maalmaha soo aadan si xiriirka labo-geesoodka ah loo xoojiyo.’ 

Tallaabada ayaa looga gol leeyahay ku guuleysiga danaha gaarka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo midda gobolka Bariga Dhexe. 

Iyada oo siyaasadda u janjeersiga halka dhinac ee gobalka ay is beddelayso, Anwar Gargash oo ah la-taliyaha madaxtooyada Imaaraadka ayaa bartamihii July ku baaqay in la qaboojiyo xasaradda Bariga Dhexe, wuxuuna sidoo kale ku taliyay dib usoo celinta xiriirka Iran. 

Imaaraadka ayaa hakad-geliyay xiriirkii uu la lahaa Iran sannadkii 2016-ka si uu garab istaag ugu muujiyo Sucuudiga markii taageerayaal Iiraaniyiin ah ay weerareen xarumaha diblomaasiyadeed ee Boqortooyadu ku laheyd gudaha Iran kaddib dilka Wadaadkii Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr ee Sacuudiga. 

Dalalka kale ee Khaliijka sida Kuwait ayaa iyagana xiriirka u jartay Iiraan. 

Dowladda Iiraan waxay sheegtay in bilowgii bishan ay dowladda Kuwait usoo dirsatay safiirkeeda oo aan joogin tan iyo sannadkii 2016-ka. 

Sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka Imaaraadka, bishii July wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa ku wada-hadal qadka telefoonka oo ay kaga doodeen adkeynta xiriirka labada waddan. 

Dalkan hodanka ku ah shidaalka ee Imaaraadka ayaa kol hore ugu yeeray dalalka Khaliijka inay sameeyaan diblomaasiyad loo midaysan yihiin oo heshiis lagula gaarayo Iran oo wada-hadallo kula jirtay dhawaanahan Reer Galbeedka oo ku saabsan sidii dib loogu anba-qaadi lahaa heshiiskii 2015-ka ee Nukliyeerka. 

Sannadkii 2020, Imaaraadka ayaa xiriir diblomaasi la yeeshay Israel, tallaabadaas oo ay aad u dhaleeceysay Tehran. 

Abu Dhabi ayaa siyaasad isku soo dhawaanshiyo ah la sameysanaysa loolamayaasheeda gobalka sida Qadar, Turkiga iyo Iran, kaas oo u suuragaliyay xiriir dhaqaale oo adag inay sameysato iyada oo weliba mararka qaar uu ismaandhaaf kala dhaxeeyo dalalkan.