Ganacsade Maraykan ah oo malaayiin dollar ku dhacay heshiis ganacsiga xoolaha Soomaaliya ah (Warbixin)

Buffalo (Caasimada Online) – Darin Pastor wuxuu ku noolaa nolol tan ugu ladan. Wuxuu iibsaday guri ku kacaya $1.5 milyan oo uu kula noolaa xaaskiisa sannadihii 2015 ilaa 2019. Guri kale oo isna ku kacaya adduun dhan $738,000 ayuu ka iibsaday Florida.

Lacag dhan $294,000 iyo $95,000 ayuu ku kala bixiyay dahab, fadhi iyo jiif. Halka $57,000 uu kaliya ku bixiyay dhar uu ku lebisto.

Isaga iyo ninka ay shuraakada yihiin ee Halford W. Johnson lacagtaas ma ahan mid ay shaqeysteen. Waxaa iska leh dad ay magacyada milkiyadooda si khaldan u isticmaaleen kadibna ay lacagahooda ku dhaceen.

Waa shabakad guda-ballaaran oo heshiisyo la isku dagayo ka shaqeysa oo ay ka mid yihiin shirkado xoolaha iibiya oo ka dhisan Kenya iyo Soomaaliya si loogu daabulo Cumaan, iyo shirkado dahab bug ah laga iibiyo oo ku yaal Hong Kong iyo Australia.

Warshad gaaska dabiiciga ah u bedesha shidaal ay gaadiidka iyo diyaaraduhu adeegsadaan oo ku kacaya hal bilyan ayaa oo laga soo xaday bandhig ay lahayd shirkad ganacsi oo ka dhisan gobolka Arkansas ayay isku dayeen inay ka iibiyaan maalgeliyayaal. Qareenada maxkmadda ayaa sheegay Darin iyo John ay doonayeen inay marinhabaabiyaan xogaha kuna darsadaan mid ka beensheegeysa qaddarka lacagta ay heystaan.

Maalintii Arbacada, si kastaba, Darin oo 51 jir ah iyo Johnson oo 59 jir ah waxaa xeerbeegtidu ku heshay caddaymo muujinaya dambiyadooda oo la xiriira lunsiga iyo dhaca hanti. Xeerka ciqaabta ayaana dhigaya inay xabsiga ku jiraan 25 sannadood.

Darin oo qoyskiisu ay gu’yaal badan lahaayeen milkiyadda shirkadda Pepsi-Cola laanteeda Buffalo, New York iyo maamulka koox deegaanka ka dhisan waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa kala xawilaadda lacago qaab xatooyo ah ku socday iyo shirqool uu la damacsanaa inuu ku dhaco Maraykanka.

Dabinkaas waxaa ugu dhacay 95 maalgeshato ah kuwaas oo lacagta shaqsiga ee qof walba ka luntay ay dhan tahay $3.5 milyan.

Wax is daba-marintiisu waxay soo bilaabatay sannadkii 2013. Waana markii Darin uu helay lahaanshiyaha Creative App Solution oo ahayd shirkad ganacsi oo markii dambe uu ka beddelay magaca una bixiyay Capstone Financial Group.

Taniyo markaas ilaa 2017-ka, 95 maalgeshato ayaa shirkadda Capstone wax uga iibsaday adduun dhan $19 milyan. Si kastaba, Darin iyo Johnson waxay u sheegeen been maalgashatada – iyada oo Darin uu markaas u qaameysnaa lacag malaayiin doolar ah oo lagu lahaa.

Bishii April 2017, waxay mar kale maalgeshatada Capstone u balanqaadeen inay kusoo celin doonaaan afar laabka lacagta ay bixiyaan – iyaga oo u sheegay inay ku helayaan lacagtaas heshiis ay la gashay shirkado Soomaaliya ku yaalla oo ay kasoo xereeyeen adduun dhan $217.

94 kamid ah maalgashatada ayaa aqbalay, laakiin midna ma uusan helin lacagtii loo balanqaaday maalintii loo madlanaa oo ay shirkaddu u qabatay.

Qeyb kamid ah bixinta lacagahaas ayaa la sameeyey bilihii Febraayo iyo April sannadkii 2018, laakiin midkood kamid ah maalgashatada ma aysan wada helin lacagtoodii.

Baaritaanka iyo garmaqalka dambiyada loo heysto Darin iyo saaxiibkiis waxaa soo gudbiyay hay’adda canshuur uruurinta u qaabilsan Mareykanka ee Internal Revenue Service iyo FBI-da Maraykanka.

Waxaase Darin intaas usii dheer in loo heysto fadeexad la xiriirta jujuub dhanka jinsiga ah oo uu u geystay haweeney.

Haweeneyda ayaa sheegtay in Darin uu ku bilaabay inuu jirkeeda ku xoodaamiyo gacmihiisa. Wuxuuna u sameeyey balanqaad haddii ay isaga harto ninka ay xiriirka la leedahay.

Dhacdada oo timid xilli ay ku safrayeen diyaarad ayaa ugu dambeyntii waxaa soo fara-geliyay booliska markii ay caga-dhigatay.