Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyey taliska sare ee ciidanka xoogga dalka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa dhawaan lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse hadda ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sare Dayax Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor, sidoo kale sarkaalkaan wuxuu Madaxweynuhu dalacsiiyey hal darajo.

Hoos ka eeg sawirrada saraakiisha la magacaabay: