Mid ka mid ah musharaxiinta maamulka PUNTLAND oo ku geeriyooday shil gaari

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho, kaasi oo uu ku geeriyooday mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland.

Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) oo kamid ahaa siyaasiyiinta u sharaxnaa xilka madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday shilkaasi gaari.

Laamaha ammaanka maamulka ayaa xaqiijiyay geerida musharaxa, ayada oo la sheegay in gaari uu la socday oo ahaa Land Cruiser oo xawaare saa’id ah ku socday uu kula rogmaday  deegaanka Qayaadsame ee gobolka Bari.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaasi oo looga diyaar garoobayay soo dhawayn in loogu sameeyo.

Allaha u naxariiste, marxuumka ayaa maalmo kahor kasoo dagay magaalada Boosaaso, halkaasi oo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suldaan Afguduud ayaa markaas sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa, balse waxaa kasoo hormartay qadarta rabbi.

Markii laga tago inuu ahaa musharax madaxweyne, sidoo kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay dhismihii maamulka Puntland.