Deg deg: Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne

Jowhar (Caasimadda Online) – Waxaa Goordhow soo gaba gabowday doorashadii kursiga ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu qabtay Jowhar ee uu baneeyay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee Ciidanka Nabas-Sugida Soomaaliya ,waxaana tartamayay ilaa lix Musharax.

Wareegii Koowaad ayaa waxaa tartamay

1:-Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2:- Nuur Iidow Beyle

3:-Dahabo Xasan Axmed

4:-Dahir Cabdulle Cawaale

5:- Cali Cabdullaahi Cosoble

Wareegii Koowaad ayaa waxaa ku haray musharixiintii kala ahaa

1:-Dahabo Xasan Axmed

2:-Daahir Cabdulle Cawaale

3:- Cali Cabdullaahi Cosoble

4:-Xuseen Axmed Geelle

Wareegii labaad ayaa waxaa ku tartamay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle,kuwaas oo uu dhex maray tartan adag,waxaana ay kala heleen  Codad dhan 27 Nuur Iidow Beyle halka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la tartamayay uu helay 24 Cod mana jirin Cod halaabay.

Doorashada Kursigan ayaa aheyd mid aad u xiiso badneyd oo dhaqaale badan lagu baxshay, iyadoo Sanbaloolshe oo horay kusigan u baneeyay uu dadaal badan ugu jiray sidii uu mar kale ugu guuleysan lahaa, hase ahaatee haatan looga adkaaday.

Guddiga doorashada Madaxa banaan ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah, iyadoo hoolka doorashada ka dhacday uu goor dhow gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali C/llaahi Cosoble iyo Mas’uuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com