Boqorkii Kubadda Cagta adduunka oo geeriyooday

Brasilia (Caasimada Online) – Pelé, boqorkii Kubadda Cagta, oo ku guuleystay Koobka Adduunka saddex jeer, ayaa dhintay. Wuxuu ahaa 82 jir. 

Pelé ayaa waxaa tan iyo 2021 laga daweynayey cancer-ka ku dhaca mindhicirada. Waxaa isbitaal la seexiyey bishii tegtay kadib markii uu dhowr jeer xanuunsaday.

Wakiilkiisa Joe Fraga ayaa xaqiijiyey dhimashadiisa. 

Pelé, oo loo arkay mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsan ee abid cayaara kubadda cagta, ayaa usoo cayaaray xulka Brazil iyo kooxda Santos. 

Marka ay noqoto xiddigii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, waxaa inta badan Pelé lala soo hadal qaadaa Diego Maradona, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Goolasha uu dhaliyey Pelé ayaa inta badan la isku khilaafsan yahay, waxayna u dhaxeeyaan 650 illaa 1,281, sababtuna waxay tahay in dadka qaar aysan xisaabin goolasha heerka hoose ee uu dhaliyey. 

Waxa uu dunida kasoo muuqday isaga oo 17 jir ah, cayaarihii Koobka Adduunka ee 1958-kii lagu qabtay dalka Sweden, markaasi oo uu ahaa xiddiga ugu da’da yar. 

Waxa uu cayaartii final-ka ee koobkaas dhaliyey 2 gool, xilli Brazil ay 5-2 kaga adkaadeen xulkii martida loo ahaa ee Sweden.

Laba kulan oo kaliya ayuu saftay dhaawacyo dartood, markii Brazil ay isla koobkii xigay ee adduunka ee 1962-kii ku guuleysteen, hase yeeshee wuxuu ahaa xiddiga Brazil ugu muhiimsan koobkii Adduunka ee 1970-kii ee Mexico oo sidoo kale ay ku guuleysteen Brazil.

Gool ayuu dhaliyey, wuxuuna sidoo kale gool kale u baasay Carlos Alberto, ayada oo Brazil ay 4-1 kaga adkaadeen Italy.