Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday go’aan ka farxin doona Soomaali badan

Riyadh (Caasimada Online) – Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jiray Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay hilibka iyo xoolaha geela, lo’da iyo idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay hay’adda caalamiga ee caafimaadka xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa billaabay inay wareegto u kala diraan rugaha ganacsiga iyo macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin go’aankan.

Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi.

Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.

Dowladda federaarlka Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay caqabad ku noqotay dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga.

Sanadkii tegay, xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka ayaa sanadkii tegay sheegay in dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Sacuudiga (Vetinary Protocol), taasi oo dib u dhigtay in xayiraadda la qaado.