Puntland oo hakisay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

Garoowe (Caasimada Online) –  Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto maalinta berri ah.

Sidoo kale waxaa la hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland.

“Guddiga markuu arkay xaalada amni iyo dhacdooyinka amniga la xiriiray ee ka dhacay degmada Garoowe, islamarkaana uu guddiga uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada degmooyinkan waxa uu hakiyay doorashada 25-ka May ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa waxa uu qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo.

“Guddiga wuxuu awood u leeyahay joojinta qeyb ahaan ama dhamaan doorasho degmo ama gobol markasta oo ay dhacaan dhacdooyin lama filaan ah ama ay dhacaan isbedelo la xiriira nidaamka guud oo sababa in la hirgalin waayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu go’aaminayo maalinta sii wadida howlihii doorashada ee hakaday kadib marka uu la tashado hay’addaha dowladda ee ay khusayso iyo ururada siyaasadda.

Doorashada golaha deegaanka ayaa waxay maalinta berri ah ka dhaceysa degmooyinka kale ee horey loo qorsheeyay kuwaasi oo gaaraya illaa 30 degmo, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen qabsoomida doorashada ee saddexdaasi degmo.

Si kastaba, Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe u hakiyay, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacaya degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayo maalinta berri ah.