Maamulka gobolka oo ku dhawaaqay ‘arrin berri ka dhaqan-gelaysa’ Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ee berri ah uu caasimada ka dhaqan-gelayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada magaalada Muqdisho ee ahaa A iyo B.

Bajaajyada wata sumada A ayaa 25-ka May oo berri ah ka shaqeyn doona magaalada Muqdisho, halka B iyaduna ay shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayay A iyo B, islamarkaana wixii ka dambeeya hadda ay ganaax lacageed mudan doonaan Bajaajyada aan weli marin nidaamkaasi.

“Iyada oo la fulinayo oo la meel-marinayo go’aankii gobolka Banaadir ee ahaa in 24-ka May oo maanta ah ay ku eegtahay diiwaan-gelinta iyo midabeynta Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho, ayaa waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyad u hoggaansamay awaamiirtaas, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.”

“Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.”

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in Mooto Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100.

Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

“Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.”

Ugu dambeyntiina maamulka gobolka Banaadir ayaa faray Nootayooyinka in aysan kala wareejin karin Mooto Bajaaj, islamarkaana “haddii ay timaado kala gadasho Mooto ay tahay in lagu soo wargeliyo waaxda gaadiidka ee dowladda hoose,” si loo beddelo milkiilihii hore, maadaama lagu diiwaan-geliyay markii hore.