Soomaaliya iyo 2 dal oo kale oo helay kaalmo dhaqaale oo $2.3 BILYAN

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ka qayb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo dhaqaale loogu aruurinayey waddamada geeska Africa, gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Saddexdan dal ayaa waxaa saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysay, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar kamid ah gobolada dalka.

Shirkaan oo si wadajir ah u soo agaasimeen dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa waxay deeq-bixiyeyaashu ku ballan-qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo dollar ($2.3B).

Kaalmadan cusub ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkan oo socday muddo kooban ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida beeraha, xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirweynahan la wadaagtay waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.