Mareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Mareykanka ayaa maanta liiska madow ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Mareyanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee Al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha Al-Shabaab uga ururiyo tuullada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu Al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Mareyanku ku daray liiska madow ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda Al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladdu Mareykanku maanta sheegtay inay liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah Al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka. 

Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Mareyanku sheegay inuu hoggaaminayey koox Al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Mareyanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Macalin Burhaan oo Mareykanku sheegay inay kala yihiin ku-xigeenka amiirka deegaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose. 

Xubnaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas, iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururiyeen Al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado.