DF Somalia oo soo saartay bayaan cusub oo lagu soo bandhigay dhowr qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo bandhigeyso waxqabadka dowladda ee toddobaadkan, kaasi oo lagu soo qaatay safaradii u dambeeyay ee madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, howl-galada iyo halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Bayaankaan oo qodobeysan ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxaana ciwaan looga dhigay “Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS.” – Hoos ka aqriso

  • Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda.
  • Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya.
  • Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen.
  • Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka.
  • Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab.
  • Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.
  • Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan.
  • Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen.
  • Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.
  • Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho.
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.
  • Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari.