DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay iridda hore ee Masjid ku yaalo Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Kismayao ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax weyn uu ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaas oo laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Ruux isku soo xiray jaakad ay qarax ku xiran yihiin uu isku qarxiyay iridda hore ee masjid ku yaalo Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawaca, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhimatay illaa  2 qof halka dhaawaca uu gaarayo ku dhawaad 20 qof.

Masjidka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku dukanayey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, wuxuuna qaraxa dhacay markii Salaada laga soo baxay kadib.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin kaasoo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac aad halis u ah.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha iyo sidoo kale dad shacab ah oo kasoo baxay salaaddii Jimcaha.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online