Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay.

Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah.

Qaraxaan ayaa lasheegay in uu kadhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho, qaraxan ayaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi.

Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Sayidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaana sidoo kale meel ka ag dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha.

waxii kasoo kordha qaraxaan waan idinla socodsiin doonaa indsha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com