Khilaaf horleh oo ka dhashay mudada uu Cabdiweli Muudeey u qabtay Mooshinka Jawaari

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu danbeyn shaaciyey xilliga uu furmayo kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya .

bayaan kasoo baxay xafiiska kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa lagu cayimay mudada lagadoodayo mooshinka laga gudbiyay guddoomiya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

mooshinka guddoomiya Jawaari ayuu sheegay in uu ku jiro ajendaha kulanka 3aad, kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka oo qabsoomidoono maalinta sabtiga ah oo ay taariiqdu ku astaysantahay 31da Maarso, 2018.

Dhinaca kale, guddoonka golaha shacabka oo fadhi ku leh xaruntooda ayaa sheegay in muddeynta uu qabtay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudeey  ee Mooshinka Jawaari kaas oo lagu sheegay Maarso 31-deeda aaney ka tarjumeyn waqtiga saxda ee ay tahay in golaha la horgeeyo mooshinka.

Qaar ka tirsan xubnaha guddoonka golaha oo hadly ayaa  ku doodaya in muddeynta aan lagala tashan guddoonka golaha shacabka, kana hor imaaneya soo-jeedinta aqalka sare ee aheyd  laga soo bilaabo 18-ka bishan Maarso .

Hadalka labada dhinac ayaa u muuqda mid abuuri kara xasilooni-darro siyaasadeed taas oo ay horay uga digeen aqalka sare iyo hey’adaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com