Sawirro: Maxay ciidamada DF u kala eryeen banaanbaxayaal ka soo horjeeday xadgudubka Kenya ee Balad Xaawo?

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tegay Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay isugu yimaadeen Shacab dhalinyaro u badan oo kasoo horjeeday xadgudubka Kenya ee Xaduudka Balad Xaawo.

Banaanbaxayaasha ayaa watey Boorar ay ku qornaayeen Eryayo ay ka mid ahaayeen Balad Xaawo Iib maahan iyo Erayo kale,waxana ay soo mareen Wadooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa taalada Daljirka soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska kuwaas oo watey Gaari Shabaqle ah isla markaana u diidayay in dadkaas ay banaanbaxa dhigaan.

Taliyayaasha Ciidamada ayaa daka u sheegayey in banaanbaxa uu u baahnaa in laamaha amniga lagu soo wargeliyo balse aan la’iska dhigin.

Ciidamada qaarkood ayaa dadka banaanbaxayasha ah ku amrayya in Gaariga Shabaqlaha ah ay raacaan waxana sidoo kale jirtay in Kaamiramaan ka tirsan Tv-ga STN xoog looga qaaday Kamiradiisa isaga oo ku guda jiray howshiisa Shaqo.

Weli dhacdadaan kama hadlin laamaha amniga Soomaaliya horana wax go’an ah ugama soo saarin in aan Muqdisho lagu qaban karin banaanbax looga soo horjeedo xadgudubka Kenya ee dhulka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Balad Xaawo.

Daawo sawiradda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com