DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Warta-Nabada gaar ahaan eeryada Saldhiga Xararyaale.

Qaraxa ayaa intiisa badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana loo maleynayaa in loo adeegsaday Miino la dhigay hareeraha wadada.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada Saldhiga iyo kuwa Nabadsugida ee ka howlgala Isgooyska Forolonsa oo ku dhow Saldhiga.

Ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Boolis ayaa iminka ku baxay, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay Qaraxa.

Eeryada uu ka dhacay Qaraxa ayaa mariin u ah gaadiidka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee usoo talaaba Villa Somalia.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaase la xaqiijinayaa in halkaa laga qaaday dad ay waxyeelo soo gaartay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com