Soomaaliya oo cayrisay safiirka Itoobiya, xirtay laba qunsuliyad

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka cayrisay safiirka Itoobiya, waxayna xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, sida lagu sheegay qaraar kasoo baxay golaha wasiirada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa loo qabtay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa billaabatay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad. 

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay taas beddelkeed u aqoonsaneyso Somaliland dal ka madax banana Soomaaliya, inkasta oo taasi aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Dhinaca kale, go’aankan ayaa imanaya maalin kadib markii Itoobiya ay qaabishay wafdi ka socday maamulka Puntland oo booqday magaalada Addis-Ababa. 

Barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Arbacadii lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed. 

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, islamarkaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa waxaa xiisad ay muddo kala dhaxesay dowladda federaalka, ayada oo dhowaan sheegtay inay aqoonsiga kala laabatay dowladda federaalka kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey wax ka beddelka dastuurka.