Wagner oo qabsatay xarumo muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin oo hoggaaminaya kacdoon ka dhan ah madaxda Moscow, ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada Rostov-on-Don.

Waxa uu sheegay “inaysan xitaa hal xabbad halkaas ka dhicin,” isaga oo yiri in dadka deegaanka ay taageerayaan.

Dagaal-yahanada Wagner ayaa xalay Ruushka uga soo gudbay dhinaca dalka Ukraine, waxayna qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada koonfureed, oo saldhig muhiim u aheyd ciidamada Moscow ee ka dagaalamaya Ukraine.

“Muxuu waddaanka inoo taageerayaa? Sababtoo ah waxaan u dhaqaaqnay caddaaladda,” ayuu Prigozhin ku yiri codkii ugu dambeeyey ee uu soo dhigay barta Telegram.

“Waxaan gacanta ku dhignay Rostov. Ayada oo aysan hal xabbad dhicin ayaa qabsanay xaruntii ciidamada.”

Waxa uu sheegay in ciidankiisa calooshad u shaqeystayaasha “aysan taaban hal askari.” “Ma dilin xitaa hal qof, inkasta oo duqeyn na lagu sameeyey oo hubka culus iyo diyaarado qumaatiga u kaca na lagu soo weeraray,” ayuu yiri.  

Prigozhin ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay miinooyin ka saareen bannaanka dhismaha ay qabsadeen Wagner ee ku yaalla Rostov. 

Goor sii horreysay hoggaamiyaha Wagner ayaa u jawaabay madaxweyne Vladimir Putin, oo Prigozhin ugu yeeray daba-dhilif isaga oo khudbad u jeediyey shacabka Ruushka.

“Marka ay noqoto khiyaanada qaran ee dhulka hooyo: madaxweynaha aad ayuu khadan yahay. Waxaan nahay waddiniyiinta dhulkeena hooyo,” ayuu yiri 

Madaxweyne Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka dhaay Ruushka.

Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jirp.

“Waxaan u dagaalamaynaa nolosha iyo ammaanka dadkeena, madax-bannaanideena iyo xoriyaddeena, iyo in Ruushka uu sii jiro, qaran leh kun sano oo taariikh ah,” ayuu yiri.

“Dhammaan kuwa sida ula kaca ah u qaaday waddada khiyaanada, ee diyaariyey jabhad hubeysan, kuwa qaaday waddada baqo maalidda iyo marinada argagixisada, waxay wajihi doonaan ciqaab aan laga baxsan doonin, waxaan u jawaabi doonnaa sharciga iyo dadkeenaba,” ayuu yiri Putin. 

Prigozhin, oo u jawaabay Putin, ayaa sheegay in isaga iyo ciidankiisa aysan wax qorshe ah ka lahayn inay is-dhiibaan.

Ciidamada Wagner ayaa weli kusii socda Moscow, halkaasi oo hoggaamiyaha kooxdan uu wacad ku maray inuu qabsan doono.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Inshaa Allah.