DF Soomaaliya iyo Somaliland oo ku heshiiyey 8 qodob

Jabuuti (Caasimada Online) – War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti uga socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka kooban 8 qodob.

Qodobka koowaad waxaa lagu go’aamiyey in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhaqan-geliyo heshiisyadii horay loo galay sanadihii u dhaxeeyey 2012-kii ilaa 2020-kii.

“In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa shirka Jabuuti ka socday labada maalmood lagu go’aamiyey in labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga iyo ka hortaga dembiyada abaabulan, iyadoo iskaashi buuxa ay ka yeelanayaan hey’adaha labada dhinac.

“In gobollada ay colaaduhu ka socdaan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo lagu xalinayo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.

Hoos ka akhriso bayaanka