25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Wasiirkii ugu horreeyay oo iska casilay Somaliland kadib rabshadaha Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, kadib markii go’aankii uu habeen hore ku dhawaaqay ay ka dhasheen rabshado xooggan oo ka dhacay gobolka Awdal.

Wasiirka oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa saacadihii u dambeeyay wajahayay dhalleeceyn xooggan oo uga imaneysay bulshada uu metelo.

Go’aanka uu horey ugu dhawaaqay wasiirkan is-casilay oo lagu fasaxay bandhiga xeer Ciise ayaa waxaa saaka gebi ahaanba joojiyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, kaasi oo qorshuhu ahaa in 14-ka bishaan ka dhaco degmada Saylac.

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadan ayaa gashay maalintii labaad oo xiriir ah, iyada oo weli banaanbaxyadu ay kasii socdaan gudaha magaaladaas, waxaana hoggaaminaya dhalinyarada deegaanka.

Khasaaraha ka dhashay rabshadahan ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo dhimashadu kor u dhaaftay 30, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.

Dhinaca kale, Beesha Ciise ayaa dhankeeda ku dhawaaqday dagaal kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu maanta gebi ahaanba joojiyay munaasabadda xuska Xeer Ciise.

Ugaaska guud ee beesha iyo odayaasha dhaqanka oo galabtii qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa iclaamiyay dagaal, isla markaana aysan aqbalayn dhawaaqa kasoo baxay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u fasaxday qabashada munaasabaddan, waxayna mar kale joojisay maanta kadib markii ay rabshado xooggan ka bilowdeen magaalada Boorama.

Tan ayaa uga sii dareysa xaaladda taagan, xilli ay magaalooyinka gobollada Awdal iyo Selel ay ka socdaan rabshado xooggan, waxaana isha lagu hayaa sida ay Somaliland u maareyso arrimaha taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News