27.4 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadan ayaa gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah, iyada oo weli banaanbaxyadu ay kasii socdaan gudaha magaaladaas, waxaana hoggaaminaya dhalinyarada deegaanka.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaaraha uu sii kordhay, isla markaana dhimashada iyo dhaawaca ay ku dhowdahay illaa 100 qof, isaga oo sidoo kale dalbaday in ciidamada Somaliland laga saaro Boorama.

“Dhimashadu waa dhowr iyo toban, dhaawacuna waa dhowr iyo todobaatan intaas ayaaba 100 ku dhow” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Boorama.

Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.

Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News