Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta galay xaalad fowdo ah, kadib markii uu buuq ka dhashay mooshin ku saabsan xiisadda ka taagan magaalada Boorama, kaas oo ay keeneen xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Awdal.
Xildhibaannada ayaa ku kala qaybsamay arrintan, waxaana la arkaayay qaar kamid ah xubnaha oo gacmaha iskula tegay, taas oo keentay in la kala qabto.
Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed oo sidoo kale ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo kamid ah xildhibaannada buuqa ka sameeyay golaha ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in warqaddii mooshinkooda la jeex-jeexay.
“Waxaan ka xumahay xildhibaan aanu walaala nahay oo si sharci darro ah warqaddii mooshinka ahayd u jar-jaray, waana wax aan ku habooneen Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed.
Sidoo kale, wuxuu taageeray kacdoonka shacab ee ka socda magaalada Boorama, isaga oo sheegay in loo dhow-yahay in la gaaro midnimo buuxda.
“Dalkeennu waxa kasoo gudbay caqabado badan, waxa uuna maanta joogaa heer midnimadii sidii hore ay midnimada ka dhowdahay” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.
Dhinaca kale, waxa uu eedeyn culus u jeediyay xukuumadda Somaliland, isaga oo sheegay in mar kale ciidamadii ay kusoo celiyeen magaalada, uuna sii socda xasuuqa.
“Ciidamadii ka baxa la yiri Awdal labo saac kadib waa lagu soo celiyay, Gumaadkii lagu haayay Reer Awdal way dhamaatay” ayuu sii raaciyay.
Rabshadaha Boorama oo soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.
Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

